Saul Niguez oo muujiyay dareenkiisa farxadeed kaddib imaatinkiisa kooxda Chelsea

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahanka kooxda Chelsea ee Saul Niguez ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu heshiis amaah oo hal xilli ciyaareed ah uu ugu biiro Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa heshiis amaah ah oo ay qiyaar u haysato inay wada iibsato kula soo wareegtay xiddigii kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Saul Niguez.

Saul ayaa lambarka 17 -aad u xiran doona Blues, lambarkaas oo horrey ay u ugu soo xirteen labada ciyaaryahan ee Eden Hazard iyo Mohamed Salah.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Saul Niguez, waxaana uu yiri:

“Waxaan 15 sano ku qaatay Atletico Madrid, oo ah gurigeyga, intaas ka dib waxaan fursad u helay inaan ku biiro Chelsea, oo waan kari waayay inaan lumiyo fursadaas.”

“Maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga wuxuu ahaa mid waalan, laakiin ugu dambeyn waxaan awooday inaan halkaan imaado sida aan dhammaanteen rajeeneynay, marka waa inaan ka faa’iideysto fursadda”.

“Tan iyo markii aan yaraa, marwalba waxaan lahaa laba rajo, midda koowaad waa inaan taariikh ku sameeyo Atletico Madrid, tan labaadna waa inaan ka ciyaaro Premier League, sababta kaliya ma ahan horyaalka, ee sidoo kale dhaqankooda qaaska ah iyo luqadda.”

“Aad bay muhiim u tahay inay joogaan César Azpilicueta, Marcos Alonso iyo Kepa, gaar ahaan Kepa, oo ahaa saaxiibkey tan iyo bilowgii ciyaarteena xulka da’ayarta Spain.”

“Laakiin waxaan u sheegay Kepa inuu igula hadlo luqada Ingiriiska, sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan barto, la qabsado, ma doonayo inaan kula hadlo Isbaanish.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here