Manchester United oo xaqiijisay ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ugu fiicnaa Kooxda

0
26

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mason Greenwood ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ugu fiicnaa Kooxda Manchester United, kaddib bandhig cajiib ah oo uu ka sameeyey horyaalka Premier League bishii la soo dhaafay.

Xiddigan lambarka 11-aad ee ka soo aflaxay Akadeemiga Kooxda ayaa gool dhaliyey dhammaan saddexdii kulan ee illaa iyo hadda la ciyaaray horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan.

Greenwood ayaa goolal ka wada dhaliyey saddex kooxood ee Leeds United oo ay kaga adkaadeen 5-1, barbarihii ay la soo galeen Southampton oo ay booqdeen iyo gushii 1-0 ahayd ee ay ka soo gaareen Wolverhampton Wanderers.

19-sano jirkaan ayaa abaal-marintaan ku garaacay Paul Pogba iyo Bruno Fernandes oo kala kalay kaalinta labaad iyo tan saddexaad.

Weeraryahankan da’da yar ayaa helay 66% codadkii ay dhiibtay taageerayaasha Red Devils, halka Pogba oo helay 24% uu galay kaalinta labaad, iyadoo Bruno uu ku dhammaystay booska saddexaad kaddib markii uu uruursaday 10% codadkii la bixiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here