Nin 39 sano suuxsanaa oo geeriyooday

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jean-Pierre Adams, oo ah ciyaartooy hore oo u dhashay Faransiiska oo 39 sano miyir la’aa ayaa ku geeriyooday da’da 73.

Ciyaartooygan waxaa la seexiyay cisbitaal sanadkii 1982 kadib markii la doonayay in qalliin looga sameeyo jilibka.

Waxaana dhacay qaladaad markii la siinayay dawada dadka lagu suuxiyo ka hor qalliinka.
Jean-Pierre Adams, wuxuu ku dhashay dalka Senegal, wuxuu daafaca uga dheeli jiray kooxda Nice oo uu uga soo muuqday in ka badan 140 ciyaarood, sidoo kale wuxuu usoo dheelay kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here