Wakiilka Jorginho oo ka nixiyay taageerayaasha Chelsea kaddib markii uu ka hadlay qorshaha mustaqbalka ee laacibka

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Joao Santos oo ah wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Talyaani uu doonayo inuu mar kale ku laabto horyaalka Talyaaniga ka dib markii uu dhaco qandaraaska uu kula jiro Blues.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England, ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay wakiilka Jorginho  ee Joao Santos, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Jorginho wuxuu qandaraas kula jiraa Chelsea ilaa June 2023, sida cadna waxay u noqon doontaa riyo inuu ku laabto Talyaaniga, waxaana rajeynayaa inuu ku guuleysto Koobka Adduunka.”

“Waan arki doonaa sida ay noqon doonto xaallada suuqa labada sano ee soo socota, iyo sida xaaladaha kale noqon doonaan.”

“Waagii hore, markii uu Sarri ahaa tababaraha, waxaa suurtogal ahayd in Jorginho uu ku biiro Juventus”.

Jorginho wuxuu qaatay sanad dahabi oo heerar walba ah, kaddib markii uu kooxda Chelsea kula guuleystay Champions League iyo UEFA Super Cup, halka xulkiisa qaranka Talyaaniga uu la qaaday tartankii Euro 2020, sidoo kale waxaa loo caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Jorginho ayaa Chelsea ku soo biiray 2018 isagoo ka yimid Napoli, tan iyo markaasna wuxuu kala qeybgalay Blues 145 kulan tartammada oo dhan ah, isagoo u dhaliyay 17 gool, isla markaana saaxiibadiis ka caawiyay 4 gool kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here