Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay gaaray xerada tababarka ee kooxda Manchester United

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa maanta gaaray xerada tababarka ee kooxda Manchester United, markii ugu horreysay kaddib markii uu markale ku soo laabtay garoonka Old Trafford.

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay gurigiisii ​​hore ee Manchester United xagaagan, isagoo ka yimid kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa tegay xerada tababarka kooxda Manchester United si uu ula kulmo tababarihiisa ahna saaxiibkiisii ​​hore ee Ole Gunnar Solskjær, iyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa tababarka.

Bogga rasmiga kooxda Manchester United ku leedahay baraha bulshada ee Twitter-ka, ayaa lagu daabacay sawirka Cristiano Ronaldo iyo tababarihiisa Ole Gunnar Solskjær.

36 jirkaan ayaa lagu qasbay inuu maro karantiil shan maalmood ah markii uu ku soo laabtay England, kaddib markii uu xulkiisa Portugal kala qeyb galay isreebreebka Yurub ee Koobka Adduunka.

Waxaa la filayaa in Cristiano Ronaldo uu ku jiro liiska xiddigaha Manchester United ee ka qeyb galaya kulanka Newcastle United ee la qorsheeyay inuu qabsoomo Sabtida soo aadan, laakiin wuxuu ka soo muuqan doonaa kursiga keydka.

Si loo badinayo, Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisa ugu horeeya ka soo muuqan doona kooxda Manchester United, kulanka ay la ciyaari doonaan naadiga Young Boys toddobaadka soo socda, kaasoo qeyb ka ah kulammada daah furka heerka guruubyada ee tartanka UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here