Bruno Fernandes oo go’aamiyey saameynta Cristiano Ronaldo ee Manchester United kaddib soo laabashadiisa

0
61

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga Manchester United Bruno Fernandes ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in saaxiibkiis Cristiano Ronaldo uu markale ku soo laabto Red Devils.

Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo biiray Manchester United kooxda Juventus, taageerayaasha Red Devils ayaana wax badan ka sugaya inta lagu jiro xilliyada soo socda.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Bruno Fernandes, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan ognahay in xamaasaddu ay aad u kululaan doonto, qof walba wuu ogyahay in Cristiano Ronaldo uu guriga joogo.”

“Qof walba aad buu ugu kalsoon yahay uguna faraxsan yahay soo laabashadiisa, ciyaartoyduna sidoo kale.”

“Waan ognahay waxa uu na siin karo, oo diiradeena, sida Ronaldo oo kale, waxay ku jirtaa inaan guuleysano, la jirkiisana waxaan ognahay inaan ku dhownahay ku guuleysiga koobab.”

Yeelkeeda, Ronaldo ayaa hore ugu soo ciyaaray Manchester United intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2009, isaga oo waqtigaas u ciyaaray 292 kulan, wuxuu u dhaliyay 118 gool, wuxuuna saaxiibadiis ka caawiyay 69 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here