Denmark oo doonaysa in soo-galootida ay u shaqeystaan ceyrta

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qaar kamid ah dadka soo-galootiga ah ee ku nool dalka Denmark ayaa looga baahan yahay in todobaadkii ay shaqeeyaan 37 saacadood si ay u helaan lacagta ceyrta ah ee ay dowladdu bixiso.

Sharciga cusub ayaa khuseysa dadka ceyrta qaadanayay muddo saddex ama afar sano ah, isla markaana aan si wanaagsan u baran luuqadda Danish-ka.

Ra’iisal wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in sharciga loola jeedo dumarka “aan reer Galbeedka ahayn” ee ku nool ceyrta.

Sanadihii la soo dhaafay, Denmark ayaa adkeysay siyaasadaheeda ku aaddan muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here