Kooxda Bayern Munich oo qorsheynaysa inay xagaaga soo socda soo qaadato xiddig ka tirsan Chelsea

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga soo aaddan.

25-sano jirkaan ayaa si joogto ah ugu ciyaaray Blues intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2020-21, isagoo saftay 52 kulan tartammada oo dhan, isla markaana u dhaliyay 12 gool, una sameeyey 15 caawin, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu boos joogto ah helo intii lagu jiray marxaladaha hore ee xilli ciyaareedka.

Ku soo laabashadii Romelu Lukaku ee garoonka Stamford Bridge ayaa la micno ah in Werner aysan u badnayn in la siiyo fursado badan oo uu ku ciyaaro, waxaana uu ka dambeyn doonaa Weeraryahanka ay Blues 97.5 milyan oo gini uga soo qaadatay Kooxda Inter Milan.

Haddaba sida uu warinayo Wargeyska Sport1 ayaa warinaya in Macallinka Kooxda Bayern Munich ee Julian Nagelsmann oo soo maamulay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka markii uu joogay RB Leipzig ayaa aad u doonaya inuu weeraryahankan dib ugula midoobo garoonka Allianz Arena.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in Tababare Nagelsmann uu weli xiriir joogto ah la leeyahay ciyaartoygii hore, kaasoo loo arko inuu noqon karo bedelka Robert Lewandowski.

Werner ayaa labo kulan oo horyaalka Premier League ah u saftay Blues xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ahaa bedbel aan la isticmaalin kulankii Liverpool ee ka hor ciyaaraha caalamiga ah ee xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here