Klopp oo ku dhawaaqay inuu ka maqanaanayo xiddig muhiim ka ah Liverpool kulanka Leeds United

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay inuu ka maqnaanayo ciyaaryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino, kulanka Leeds United.

Liverpool ayaa booqan doonta Leeds United fiidnimada Axadda soo socota, kaasoo qeyb ka ah kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Sida uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England, Klopp oo ka soo muuqday shir jaraa’id kaho ciyaarta Leeds United, kaddib kulammadii caalamiga ahaa, wuxuu yiri:

“Roberto Firmino ma heli doono dhaawac dartiis, runtii waa xaallad ku adag dhammaan kooxaha iyo ciyaartoyda, gaar ahaan, ciyaartoyda waxay rabeen inay ciyaaraan, kooxaha waxay doonayeen inay u oggolaadaan ciyaartoyda inay baxaan.”

“Wax fikrad ah kama hayo goorta xal la heli doono, aad bay u fiicnaan laheyd inaan tababar la qaato kooxda aan doonayo inaan adeegsado Axada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here