Duullimaadkii u horeeyey oo caalami ah oo ka baxay Kabul

0
70

Baladweyne(Radio Beerlula)-Duullimaadkii ugu horreeyey ee caalami ah ee intii la dhisay xukuumadda cusub ee Taliban ee dalka Afghanistan ayaa Khamistii shalay ka duushay magaalada Kabul. Dayuuraddan ayaa sidday dad ka badan 100 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ku jiraan qaar haysta jinsiyadda Maraykanka oo laga yimid intii ay socotay daad guryentii isku dhex yaaca ahayd ee bishii hore.

Duullimaadkan ayaa calaamad u ahaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, xilli ay Taliban dadaal ugu jirto inay sameyso dawlad shaqeyneysa, ka dib markii ay awoodda dalka la wareegeen bishii hore.

Dowladda Mareykanka ayaa talaabo dhanka horumarka loo qaaday ku tilmaamtay dulimaadyada caalamiga ee ka bilowday dalka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here