Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Aston Villa

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 15-aad Cheelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Romelu Lukaku, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mateo Kovacic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Mateo Kovacic ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 90+3 Romelu Lukaku oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Cesar Azpilicueta ayaa hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa Chelsea wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here