Booliska Britain oo baaraya fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester.

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)- Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda.

Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here