Qaramada Midoobay oo raadineysa malaayiin doollar oo loogu gargaaro dadka reer Afghaanistaan

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qaramada Midoobay ayaa kulan heer sare ah oo ay ku leeyihiin magaalada Geneva, waxa ay ku rajaynaysaa in ay kor u qaaddo in ka badan lix-boqol oo milyan oo doollar oo gargaar deg-deg ah oo loogu talagalay dalka Afghanistan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay dhibaatada bani’aadannimo ee halkaasi ka jirta “musiibo ku soo socota”. Dhowr milyan oo reer Afgaanistaan ah.

Boqolaal kun oo ruux oo ku noola dalka Afghanistan ayaa ku barakacay qalaalasihii dhawaan dalkaasi ka dhacay iyadoona inta badan dalkaasi ay ka bexeen hay’adihii gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here