Dad loo xiray fadhiga Suuli dahab ka samaysnaa oo la xaday laba sano ka hor

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Rag tuugo ah ayaa fadhiga suuliga ee lagu fariisto oo 18-carat ah ka xaday qasriga Blenheim ee Ingiriiska ku yaal.

Sida ay booliisku sheegeen rag budhcad ah ayaa u dhacay qasriga Oxfordshire markay saacaddu ahayd bishii September 14, 2019-kii. Waxayna xadeen waxyaabihii ku xardhanaa suuligaas oo fadhigii uu ka mid yahay.

Dahabka musqushaas waxaa lagu qiyaasay $6 milyan oo dollar (£4.8m). Shirkadda ceymiska ee ilaalineysay ayaa ballanqaaday in $140,000 ay siineyso qofkii keena macluumaadka dahabkaas la xaday.

Laba sano ka dib, illaa iyo hadda waxaa la xiray toddobo qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug-lahaayeen xatooyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here