Barcelona oo kula tartameysa Real Madrid saxiixa Paul Pogba

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa kula tartami doonta kooxda ay sida xoogan u dagaalammaan ee Real Madrid saxiixa laacibka khadka dhexe reer France iyo naadiga Mancheser United ee Paul Pogba, xilli ciyaareedka soo socda.

Qandaraaska Pogba ee kooxda Manchester United ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, laacibka reer France ayaa iska diiday dhammaan dalabyadii uga yimid Red Devils si uu u cusbooneysiiyo heshiiska.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England magaca Pogba ayaa soo muuqaneysa inuu wadahadalo dhex maray madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, sidoo kale Mino Raiola oo ah wakiilka laacibka reer France.

Wargeyska Ingiriiska ayaana tilmaamay in Raiola uu u sheegay Laporta inuu hubo inay dalab xooggan ka imaan doonaan kooxaha waaweyn si Pogba ay ula saxiixdaan xagaaga dambe.

Wararka ayaa waxay sidoo kale tilmaamayaan in Mino Raiola uu u ballan qaaday Laporta, haddii ay dhacdo in Barcelona ay soo gudbiso dalab, inuu isku dayi doono inuu ka dhaadhiciyo Pogba, inuu go’aan ka gaaro soo jeedinta Barcelona ka hor dalabyo kale.

Wargayska ayaa sheegay inay ku qasban tahay Barcelona inay garaacdo kooxaha Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Juventus si ay ugu guulaysato adeega Pogba xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here