Manchester United oo weli xiiseynaysa inay xagaaga soo socda la soo wareegto Erling Haaland

0
80

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa weli xiiseynaysa inay xagaaga soo socda la soo wareegto Erling Haaland.

Saxiixa Cristiano Ronaldo kama reebin kooxda Man United inay sii waddo doonista saxiixa xiddiga xulka qaranka Norway ee Erling Haaland, kaasoo ay saxiixiisa doonayeen xitaa inta uusan ku biiray Kooxda Borussia Dortmund.

Jariiradda The Express ayaa warinaysa in Kooxda Manchester United ay qarka u saaran tahay inay jeebka gacanta geliso xagaaga soo socda si ay u hesho Weeraryahanka Naadiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Inkastoo kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ay keentay Cristiano Ronaldo xagaagan, haddana Weeraryahanka reer Norway ee Haaland ayaa weli ah yoolkooda waqtiga dheer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here