Kooxaha Juventus iyo AC Milan oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Allianz

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Juventus iyo AC Milan oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Allianz, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah kulankii la wada sugayay ee Derby della Madonnina

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Juventus.

Daqiiqadii 4-aad ee bilowgii ciyaarta kooxda Juventus ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Alvaro Morata, kaddib markii ay caawin kaga timid Paulo Dybala.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

76 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda AC Milan ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Ante Rebic oo caawin ka helay saaxiibkiis Sandro Tonali.

Ugu dambeyntii kulankii Derby della Madonnina ee la wada sugayay ayaa wuxuu ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood ee Juventus iyo AC Milan xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here