Real Madrid oo guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda Valencia

0
60

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2 , xilli ciyaartan ay ahayd tan ugu adag kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Valencia iyo Real Madrid ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda martida loo ahaa ee Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Hugo Duro.

86 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Vinicius Junior oo ay caawin kaga timid Karim Benzema.

Alla maxay soo laabasho cajiib ah ahayd, daqiiqadii 89-aad Los Blancos ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Karim Benzema oo ay caawin kaga timid da’ayarka reer Brazil ee Vinicius Jr.

Ugu dambeyntii kulankii adkaa ayaa wuxuu ku dhammaaday 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here