Juventus, Bayern Munich iyo Real Madrid oo ka mid ah shan koox oo lala xiriirinayo saxiixa difaaca Chelsea ee Rudiger

0
77

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxaha kubadda cagta Juventus iyo Bayern Munich ayaa iyaguna kusoo biiray loollanka loogu jiro saxiixa difaaca Chelsea ee Antonio Rudiger sida lagu helayo wararkii ugu dambeeyay.

Xiddiga Jarmalka ah ayaanan wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa ee kooxda heysata Champions League iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo 2022, waxaana lala xiriirinayaa laacibkan inuu bilaash kaga tago Blues marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

Kooxaha kala ah Tottenham Hotspur, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa dhammaantood lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqaan saxiixa Rudiger xagaaga dambe, balse majaladda Calciomercato ayaa sheegtay inay Bayern iyo Juve ay iyaguna isha ku hayaan xaaladda xiddigii hore ee Roma.

Rudiger oo ka mid ah fureyaasha Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaaray daqiiqad walba oo ka mid ah horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2021-22, waxaana uu dhaliyay gool kulankii ay xalay Chelsea 3-0 kaga adkaatay Spurs ee ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here