Kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada Serie A iyo La Liga

0
220

Baladweyne (Radio Beerlula)-Horyaallada Serie A iyo La Liga ayaa caawa laga ciyaari doonaa kulammo ka tirsan iyadoo xalay laga ciyaaray kulammo kale, waxaana guulo gaaray Real Madrid, Juventus iyo AC Milan oo labadaas horyaal ka kala ciyaaray.

Naadiga Barcelona oo toddobaadkan barbarro ka tuugtay naadiga Granada ayaa caawa marti u ah Cadiz, waana kulan kale oo cadaadiska ku kordhin kara macallinka Bluagrana ee Ronald Koeman haddii uu caawa guul keeni waayo.

Dhinaca kale, kulanka ugu xiisaha badan ciyaaraha caawa ee horyaalka Serie A waxaa isku arki doona naadiga AS Roma oo la balansan dhiggeeda Udinese, waxaana xusid mudan in toddobaadkan horraantiisii ay Giallorossi la kulantay guuldarradii ugu horreysay horyaalka tan iyo markii uu macallin u noqday Jose Mourinho.

Haddaba halkan hoose ka eeg kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada Serie A iyo La Liga & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

La Liga:

8:30 Habeennimo: Granada vs Real Sociedad

8:30 Habeennimo: Osasuna vs Real Betis

11:00 Habeennimo: Cadiz vs Barcelona

Serie A

7:30 Habeennimo: Sampdoria vs Napoli

7:30 Habeennimo: Torino vs Lazio

9:45 Habeennimo: Roma vs Udinese

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here