Tababare Ronald Koeman soo xushay safkiisa Barcelona ee uu kaga hor tagi doono Cadiz caawa

0
70
GRAF7975. BARCELONA, 31/08/2020.- El nuevo entrenador del FC Barcelona, el holandés Ronald Koeman, durante el primer entrenamiento que dirige como técnico del Barça, hoy lunes en la Ciudad Deportiva Joan Gamper, en San Juan Despí, Barcelona. EFE/Miguel Ruiz/FC Barcelona ***SOLO USO EDITORIAL/NO VENTAS***

Baladweyne (Radio Beerlula)-Naadiga Barcelona ayaa caawa kulan ka tirsan horyaalka La Liga la balansan naadiga Cadiz oo ay booqan doonto, waxaana macallinkeeda Ronald Koeman uu soo saaray safka uu kula safrayo ciyaarta caawa.

Tababare Koeman ayaa safkiisa ciyaarta caawa kusoo daray da’yarka khadka dhexe ka ciyaara ee Nico Gonzalez kaasoo qaatay booska daafaca bidix ee Alejandro Balde oo dhaawac kaga baxay ciyaartii Granada ee ku dhammaatay barbarraha 1-1.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka reer Netherlands ayaa safraya la’aanta lix xiddig oo dhaawac kaga maqan safkiisa kuwaasoo kala ah Ansu Fati, Ousmane Dembele, Pedri, Martin Braithwaite, Jordi Alba iyo Sergio Aguero – waxaana haatan ku biiray Balde.

Si kastaba ha ahaatee, dambeed bidix la’aanta heysa Koeman caawa ayaa waxa uu ku dabooli karaa midkooda Sergino Dest ama Oscar Mingueza.

Haddaba waa kan safka Blaugrana ee caawa u matalaya ciyaara Cadiz:

Goolhayeyaal: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Daafacyo: Sergino Dest, Gerard Pique, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Oscar Mingueza, Samuel Umtiti, Eric Garcia.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Riqui Puig, Philippe Coutinho, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Nico Gonzalez, Gavi.

Weeraryahanno: Memphis Depay, Yusuf Demir, Luuk de Jong.

Imagen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here