Horudhac: Chelsea vs Manchester City

0
784

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa maanta la ciyaari doonaa kulanka ugu adag horyaalka Premier League toddobaadkan marka ay is arkaan kooxda Chelsea oo fasalkan ku bilaabatay qaab adag isla markaana guuldarro la’aan ah iyo Manchester City oo difaacaneysa horyaalka Ingiriiska.

Blues ayaa haatan fadhisa booska ugu sarreeya horyaalka iyadoo leh 13 dhibcood shantii ciyaarood ee ay dheeshay halka Man City ay saddex dhibcood ka dambeysa kooxda ay galabta u martineyso iyadoo leh 10 dhibcood waxayna fadhisaa booska shanaad ee kala sarreynta horyaalka.

Naadiga Chelsea ayaa dib u heleysa goolhayeheeda Edouard Mendy kaasoo kabsaday dhaawac kasoo gaaray sinta waxaana uu kusoo bilaaban doonaa kulankan sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxda London ka dhisan ee Thomas Tuchel.

Balse waxaa Blues ka maqnaan doona Christian Pulisic oo muddo garoommada ka maqan iyo Mason Mount oo dhaawac yar ku seegaya kulankan.

Dhinaca kale, Manchester City macallinkeeda Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu dib ugu yeero qaar badan oo ka mid ah xiddigihii uu nasiyay kulankii Carabao Cup ee ay guusha ka gaareen naadiga Wycombe.

Rodri, Aymeric Laporte iyo John Stones oo ciyaartaas dhaawacyo ku seegay ayaa la qiimeyn doonaa xaaladdooda kaddib markii ay tababarka kusoo laabteen, waxaase shaki la gelinayaa Oleksandr Zinchenko iyo Ilkay Gundogan kaddib markii ay taam ahaansho la’aan ku seegeen kulankii EFL Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here