Horudhac: Manchester United vs Aston Villa

0
821

Baladweyne (Radio Beerlula)Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa maanta kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka Premier League garoonkeeda kula balansan naadiga Aston Villa.

Man United ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jirta bilawga xilli ciyaareedkan iyadoo haatan leh 13 dhibcood isla markaasna fooqa sare la wadaagta Chelsea iyo Liverpool oo ay ka simman yihiin dhanka dhibcaha, halka Villa ay booska 10-aad la fadhiso toddobo dhibcood oo qura.

Manchester United ayaa safkeeda dib ugu heshay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani kaasoo kabsaday dhaawac muruqa kasoo gaaray, hase ahaatee, waxaa kulankan wali dhaawacyo kaga maqnaan doona Amad Diallo iyo Marcus Rashford.

Aston Villa difaaceeda Axel Tuanzebe ayaa kulankan ku seegi doona xeerka amaahda isagoo aanan wajihi karin kooxda mulkiyaddiisa iska leh ee Man United halka Leon Bailey oo soo laabanaya bartamaha bisha October iyo Morgan Sanson oo isna garoommada bil ka maqnaan doona ay dhaawacyo ku seegayaan booqashada Masraxa Riyada.

Guusha kaliya ee ay Aston Villa ka gaartay Manchester United 45-kii is arag ee ugu dambeeyay horyaalka ayaa timid iyadoo lagu ciyaarayo Old Trafford kulan ku dhammaaday 1-0 oo dhacay bishii December ee 2009 markaas oo uu Gabriel Agbonlahor dhaliyay goolka qura ee ciyaarta.

Natiijadaasna waa guuldarrada kaliya ee ay Red Devils kaga qaadatay Villa garoonkeeda 34-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartammada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here