Kooxda Aston Villa oo guul kala soo laabatay garoonka Old Trafford oo ay booqatay

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Aston Villa ayaa guul kala soo laabatay garoonka Old Trafford oo ay ku booqatay kooxda Manchester United, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Toddobaadka lixaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Aston Villa ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 88-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda K. Hause oo caawin ka helay saaxiibkiis D. Luiz.

90 + 3′ daqiiqo kooxda Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana ka qasaariyay laacibkooda khadka dhexe ee B. Fernandes

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 oo ay kaga soo adkaatay Aston Villa kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa hoos ugu dhacday booska afaraad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here