Manchester City oo saddexda dhibcood kaga soo qaaday Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester City ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaaday Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Toddobaadka lixaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad kooxda martida aheyd ee Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay G. Jesus, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis J. Cancelo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Manchester City, kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, City ayaa haatan kala sareynta horyaalka ka soo gashay booska 2-aad, halka Blues ay u dhacay kaalinta 4-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here