Liverpool oo hal dhibic kala soo laabatay Garoonka Brentford Community oo ay booqatay

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa hal dhibic kala soo laabatay Garoonka Brentford Community oo ay booqatay, kaddib markii ay Brentford la soo gashay barbardhac 3-3 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Brentford iyo Liverpool ku kala nasteen  barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Brentford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda E. Pinnock, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis I. Toney.

31 daqiiqo Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay D. Jota oo caawin ka helay saaxiibkiis J. Henderson.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad Liverpool ayaa markeeda hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-2 ka dhigay laacibka reer Massar ee M. Salah, Fabinho ayaana caawiyay goolkan.

Laakiin kooxda Brentford ayaa daqiiqadii 63-aad la timid goolka barbardhaca xiddiga lagu magacaabo V. Janelt ayaa dheesha ka dhigay 2-2.

67 daqiiqo C. Jones oo caawin ka helay saaxiibkiis A. Robertson ayaa markale hoggaanka u dhiibay kooxda Liverpool wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-3.

CAJIIB Brentford oo caawa muujisay inay tahay koox aan quusan ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 3-3 ka dhigay dheesha laacibkooda Y. Wissa.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 3-3 oo ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Brentford, Reds ayaa haatan Brentford iyo Liverpool, Reds ayaa haatan hoggaamineysa miiska kala sareynta horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here