Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Oo Seegaya Kulanka Fc Porto, Sabab.

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wargeyska Daily Mail, ayaa tilmaamay in ciyaaryahanka Liverpool Trent Alexander-Arnold uusan la safrin xiddigaha kooxda Liverpool kuwaas oo caawa la ciyaari doona kooxda Porto kulan ka tirsan champions League taas oo keentay shaki ah in uu xiddigu sidoo kale seegi doono kulanka Man City ee Axada dambe.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah wareega Group-yada kadib markii ay ka badisay kooxda Ac Milan kulankii hore ee ay ciyaareen.

Trent Alexander-Arnold Ayaa ku bilowday kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Brenford laakiin waxa uu markan ka maqan yahay kooxdiisa kulanka champions League ee caawa.

Xiddiga ayaa sidoo kale seegay labadii kulan ee ka horeeyay Brentford sabab la xidhiidha xanuun uu dareemay taas oo keentay in uu Jurgen Klopp ka saaro shaxdiisa kulamadaas.

Klopp ayaa mar kale waayi doona adeega xiddiga Trent Alexander-Arnold kulanka Fc Porto ee caawa taas oo wal-wal ku ah tababaraha iyo kooxda Liverpool marka loo eego in uu xiddigu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here