Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo sheegay xilliga uu Marcus Rashford garoommada kusoo laaban doono

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)– Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa carrabka ku dhuftay xilliga ay kooxdiisa dib u heleyso Marcus Rashford kaasoo haatan garoommada kaga maqan qalliin looga sameeyay mid ka mid ah garbihiisa.

Macallin Solskjaer ayaa tilmaamay in toddobaadyo kaddib uu heli doono weeraryahannadiisa Rashford iyo Amad Diallo sidoo kalena ay macquul tahay inuu kasoo hormaro isla markaasna la helo kaddib ciyaaraha qarammada.

“Weli Asbuucyo ayaa u harsan iyaga, waxaan ku rajo weynahay kaddib nasiinnada qarammada inaan heli karno” ayuu saxaafadda la wadaagay tababaraha reer Norway.

Solskjaer ayaa intaas sii raaciyay inay si wanaagsan usoo kabsanayaan labada xiddig gaar ahaan xiddiga Ingriiska ah kaasoo si adag u shaqeynaya si uu goor hore ugu soo laabto tababarka Red Devils.

Si kastaba ha ahaatee, Rashford ayaa inta ugu badan xilli ciyaareedkii hore u safanayay Man United iyo xulka England isagoo garabka dhaawac ka qaba, hase ahaatee, markii uu soo dhammaaday tartankii qarammada Yurub ee Euro 2020 ayuu qalliin ku sameeyay garabkiisa taasoo keentay inuusan xilli ciyaareedkan la bilaaban naadigiisa.

Manchester United ayaa caawa kulan ciyaareed ka tirsan wareegga guruubyada Champions League la ciyaareysa naadiga Villarreal waxaana u xigi doona kulan kale oo ay garoonkeeda Sabtida kusoo dhoweyneyso Everton kaasoo ka tirsan horyaalka Premier League iyadoo kaddib labadaas ciyaar la aadi doono fasaxa qarammada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here