Real Madrid oo duullaan ku ah Manchester United iyadoo ka dooneysa mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan

0
64
Manchester United's Norwegian manager Ole Gunnar Solskjaer gives a thumbs up at the end of the English Premier League football match between Manchester United and Everton at Old Trafford in Manchester, north west England, on December 15, 2019. (Photo by Oli SCARFF / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No video emulation. Social media in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No use in betting publications, games or single club/league/player publications. /

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa wali baadi goob ugu jirta weeraryahan dhexe oo ay afka hore kula lammaaniso Karim Benzema iyadoo haatan dareenkeeda usoo weecisay xiddiga ka xamaashada horyaalka Premier League.

Madrid ayaa haatan ka fikireysa soo qaadashada weeraryahanka Manchester United ee Edinson Cavani kaasoo xilli ciyaareedkan la kowsaday dhaawac inkastoo uu haatan garoommada kusoo laabtay.

Sida laga soo xigtay  El Nacional, Los Blancos ayaa fahansan inuu Cavani doonayo ka tagista Old Trafford maadaama booskiisa uu awood kula wareegay Cristiano Ronaldo oo xagaagan ku laabtay Man United.

Ole Gunnar Solskjaer provides injury update on Edinson Cavani | Metro News

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska kasoo baxa qaarad weynta Ameerika gaar ahaan Jamhuuriyadda Dominican ayaa sheegay inay Real Madrid si sahlan ku heli karto waayo-aragga reer Uruguay bisha January ee soo aaddan maadaama qandaraaskiisu dhici doono xagaaga soo aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here