Chelsea oo hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League kaddib markii ay ka adkaatay 10 xiddig oo Southampton ah

0
88

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay 10 xiddig oo kooxda Southampton ah 3-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Chelsea.

Daqiiqadii 9-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Chalobah, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Loftus-Cheek.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida ahayd ee Southampton ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay laacibkooda James Ward-Prowse, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-1.

Daqiiqadii 77-aad kooxda Southampton ayaa noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosha oo toos ah uu qaatay laacibkooda James Ward-Prowse.

84 daqiiqo Chelsea ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha waxaana 2-1 ka dhigay Timo Werner oo caawin ka helay saaxiibkiis Azpilicueta.

Daqiiqadii 89-aad Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-1 ka dhigay Ben Chilwell.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Chelsea, kooxda Southampton oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, naadiga Blues ayaa guushan ay gaartay waxay ka dhigtay inay hoggaanka u qabato horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 16 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here