Espanyol oo saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Real Madrid oo marti u ahayd

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Espanyol ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Real Madrid oo marti ugu ahayd RCDE Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Espanyol.

Daqiiqadii 17-aad kooxda Espanyol ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Raúl de Tomás, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Adri Embarba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

60 daqiiqo mark ay dheesha mareysay kooxda Espanyol ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Aleix Vidal oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Keidi Bare.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Real Madrid ayaa dhalisay gool, waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta K. Benzema, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis L. Jovic

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Espanyol, kooxda Real Madrid oo marti ugu ahayd garoonka RCDE Stadium, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here