Kooxaha doonaya weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner oo isa soo taray

0
70

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mustaqbalka weeraryahanka kooxda kubadda Chelsea ee Timo Werner ayaa shaki weyn la gelinayaa kaddib markii uu xilli ciyaareedkan lumiyay booskiisa koowaad, waxaana soo badanaya kooxaha xiiseynaya adeeggoosa.

Naadiga Atletico Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee kusoo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Werner sida uu baahiyay wargeyska Transfer Market Web.

Sidoo kale, kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa si isku mid ah u doonaya laacibkii hore ee RB Leipzig kaasoo bandhig liita ku sameynaya garoonka Stamford Bridge.

25-sano jirka Jarmalka ah ayaa xagaagii 2020 kusoo biiray Blues hase ahaatee, nasiib darro, ma uusan helin qaab ciyaareedkiisii wacnaa isagoo dhaliyay kaliya 13 gool 59 ciyaarood oo uu u dheelay Chelsea iyadoo haatan naadiga Atletico ay dooneyso inay xagaaga dambe usoo wareejiso caasimadda Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here