Kooxda Real Madrid oo xiiseynaysa saxiixa xiddig ka tirsan Chelsea

0
350

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso saxiixa xiddig ka tirsan Chelsea.

Daafaca Kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa xiiso ka helaya Naadiga Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain sida uu warinayo Warsidaha Calcio Mercato.

Sida ay hadda tahay, xiddiga xulka qaranka Jarmalka ayaa xor u noqon doona inuu heshiis horudhac ah iyo wadaxaajood la galo koox kasta oo suurogal ah bisha Janaayo.

Kooxda The Blues ayaan weli daafacan heshiiska u kordhin, iyadoo qandaraaskiisa haatan ee kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London uu ku eg yahay bisha June ee sanadka 2022-ka.

Real Madrid ayaa indhaha ku haysa inay keento Rudiger sanadka cusub, iyadoo Tababare Carlo Ancelotti uu doonayo inuu hagaajiyo safkiisa dambe ee daafaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here