Manchester City oo indhaha la raaceysa xiddig ka tirsan naadiga Barcelona kaasoo ay si sahlan ku heli karto

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa inuu xagaaga dambe si xooggan u qalabeyn doono khadkiisa dhexe si uu xilli ciyaareedkiisa ugu dambeeya guulo ugu soo gabagabeeyo waayihiisa Etihad maadaama uu xaqiijiyay inuu sanadka 2023 ka tagi doono Citizens.

Macallinka reer Spain oo afar sano macallin usoo ahaa Barcelona ayaa ahaatan duulaan ku ah khadkeeda dhexe isagoo ka doonaya xiddiga da’da yar ee Nico Gonzalez kaasoo xilli ciyaareedkan u saftay kooxda koowaad ee Barca kulammo dhowr ah kaddib bandhiggiisii sarreeyay ee kooxda yaryar.

Man City ayaa raadineysa xiddigo ay ku xoojiso khadkeeda dhexe maadaama uu dhammaadka xilli ciyaareedkan naadiga ka tagayo Fernandinho oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa.

Barça Universal on Twitter: "The Barça sporting staff made it clear that  they trusted Nico Gonzalez for the first team when he renewed his contract  in May. Today, he made his La

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa xiiseynaya xiddiga ku dhashay magaalada La Coruña isla markaasna ka mid ah xiddigaha la filayo inay sanadaha soo aaddan kasoo dhalaalaan khadka dhexe ee kooxaha ugu wanaagsan qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here