Ferguson oo u digay Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer sababa la xiriira Cristiano Ronaldo

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa helay digniino kala duwan kaddib markii Cristiano Ronaldo uu fariisiyay kursiga keydka, intii ay socotay ciyaartii Everton, taasoo kooxda barbaro ku gashay garoonka Old Trafford.

Solskjaer ayaa go’aansaday inuusan ku soo bilaabin kulankii ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Everton, wuxuuna bedelkiisa geliyay Edinson Cavani, ka dibna wuxuu isku bedelay qeybtii dambe, taasoo ka dhigtay inuu la kulmo dhaleeceyn badan.

Tababaraha halyeeyga ah kooxda Manchester United, ee Sir Alex Ferguson, ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ku dhaleeceeyay go’aankan Ole Gunnar Solskjaer, wuxuuna yiri:

“Waan ogahay inuu soo galay qeybtii labaad, laakiin mar walba waa inaad ku bilowdaa ciyaartooydaada ugu fiican.”

“Markii Everton ay ogaatay in Ronaldo uusan ciyaari doonin, waxay u ahayd sidii fasaxa dhammaadka Isbuuca oo kale.” ayuu yiri  Ferguson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here