Hogaamiye amray in loo jebiyo telefoonka xaaskiisa si sirteeda uu u helo

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamadda sare ee Britain ayaa soo sheegtay in hogaamiyaha Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum uu oggolaaday in la jabsado taleefoonnada xaaskiisii hore iyo qareenkeedii iyadoo la siticmaalayo barnaamijka basaasnimada ee Pegasus intii uu socotay dacwad sharci oo ku saabsan labadooda carruur ah.

Maxkamaddu waxay xukuntay inuu sidoo kale oggolaaday in barnaamijka Pegasus loo adeegsado qareenka amiirad Xaya, kaaliyaheeda gaarka ah iyo laba xubnood oo ka tirsan kooxda amnigeeda qaabilsan.

Amiirad Xaya waxay u qaxday London bishii Abriil 2019 iyada iyo labadeeda carruurba, taasoo dhalisay dagaal sharci oo ku saabsan haynta iyo taageerada maaliyadeed ee carruurta.

Sannadkii hore, maxkamad ku taal Ingiriiska ayaa ogaatay in Sheekh Maxamed “uu amray sidoo kalana abaabulay” afduubka laba gabdhood oo uu dhalay iyo in si qasab loogu celiyo Dubai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here