Xiddiga Juventus ah oo fariin xiiso leh u diraya Pogba

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)-Paul Pogba ayaa ku soo laabtay garoonka Allianz ee kooxda Juventus,si uu isugu diyaariyo kulanka caawa ee semi-finalka UEFA Nations League uu xulkiisa France uu kula ciyaarayo Belgium.

Laacibka reer Colombia iyo kooxda kooxda Juventus ee Juan Cuadrado ayaa ku booriyay xiddiga reer France inuu sii joogo magaalada Turin halkii uu ku laaban lahaa Manchester United.

Ciyaaryahankii hore kooxda Juventus Paul Pogba ayaan qarsan farxadda uu u qabo inuu dib ugu soo laabto magaalada Turin isagoo gudanaya waajibaadka xulkiisa qaranka France oo caawa la ciyaaraya dhigiisa Belgium.

Labada xul ayaa kii caawa guuleysta, wuxuu Axada garoonka San Siro kula ciyaari doonaa Spain ciyaarta Finalka ee tartanka UEFA Nations League.

Kaddib markii uu Pogba soo dhigay sawir isaga oo tababar la qaadanaya France garoonka Allianz ee kooxda Juventus, waxay kicisay hilow aan caadi ahayn.

Juan Cuadrado ayaa ka jawaabay sawirka uu soo dhigay Pogba, wuxuuna u diray fariin cad oo ku muujinayo rabitaankiisa ah inuu dib ugu soo laabto Paul kooxda Juventus mustaqbalka dhow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here