Heesaa Caan ah oo laga hayo cajal sir ah oo diidday in ay bixiso lacag xujo ah.

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)- Gabadh xagga heesaha caan ku ah oo u dhalatay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Tiwa Savage ayaa sheegtay in lagu xujeeyay lacag maadaamaa laga hayo cajal sir ah oo muujinaya waxyaabo aan habboonayn.

Tiwa waxa ay sheegtay in ay diidday in ay lacagta bixiso, marnabana aysan ogolaan doonin in la rakaateeyo.

Waxa ay sheegtay in muuqaalka uu si aan ku talogal ahayn uu shabakadda Snap Chat u geliyay wiilka ay haasaawaha wadaagaan, balse markiiba uu ka bixiyay, hase yeeshee nin ayay u suurtogashay in uu la dego muuqaalka.

Ninkii ayaa lasoo xiriiray, wuxuuna dalbaday in lacag la siiyo, haddii kalena uu muuqalka ku faafin doono baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here