Ronaldo oo ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha ee Premier League

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United, ee Cristiano Ronaldo, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican bishii September horyaalka Premier League.

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay horyaalka Premier League, si uu markale u xirto maaliyada kooxda Manchester United, wuxuuna awooday inuu Red Devils ugu guuleysto abaal-marintiisa ugu horreysay ee shaqsiyeed isagoo ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka bisha.

Cristiano Ronaldo ayaa kula tartamay abaal-marinta xiddiga bisha ee horyaalka Premier League, laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, João Cancelo oo Manchester City ah, Allan Saint-Maximin oo Newcastle United ah, Antonio Rudiger oo Chelsea ah iyo Ismaila Sarr oo Watford ah.

Cristiano Ronaldo ayaa ku garaacay abaal-marintan dhammaan xiddigaha ay ku tartameen kaddib wacdarihiisii cajiibka ahaa ee uu ku dhaliyay saddex gool saddex kulan oo uu ciyaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here