Kooxda Chelsea oo isku diyaarinaysa inay dib u soo ceshato xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Albaabada u furtay inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahankeedii hore ee Eden Hazard.

Naadiga Blues ayaa isku diyaarinaysa inay dib u soo ceshato xiddigii hore ee reer Belgium, Hazard kaasoo hadda ku sugan Kooxda ka dhisan Caasimadda Spain ee Real Madrid.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Real Madrid ay Albaabka u furtay Eden Hazard si uu dib ugu soo laabto garoonka Stamford Bridge ee Galbeedka Magaalada London.

Kubbad abuuraha reer Belgium ayaa ku dhibtooday Kooxda Real Madrid tan iyo markii uu u dhaqaaqay Spain sanadkii 2019-kii, waxaana laga yaabaa in loo soo bandhigo waddo uu dib ugu soo laabanayo Galbeedka London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here