Korontada dalka Lubnaan oo dib u soo noqotay kadib markii muddo 24 saacadood ah ay maqneyd.

0
210

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda tamarta dalka Lubnaan ayaa sheegtay in bangiga dhexe uu siiyay $ 100m (£ 73m) oo deyn ah si lo iibiyo shidaalka isla markaana u sii shaqeeyan xarumahaa korontada.

Dhaqaalaha dalka Lubnaan ayaa burburay iyadoona shirkadda korontada dalkaasi ay awoodi weysay inay soo iibsato shidaalkii ay u baahneed, taasoo keentay in muddo 24 saacadood ah korontada ay ka maqneyd dalka Lubnaan.

Maalmihi u dambeeyey dalkaasi korontadu waxay ka maqnaaneysay saacada isdabajoog ah oo mararka 24 saac iyo ka badanba ay korotadu maqnaato.

Dadka awoodda dhaqaale ay u saamaxeysana si ay u helaan korontada ay u baahan yihiin waxay maciin badeen matoorro si gaar ah ay iyagu u maamulaan oo ay koronta ka helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here