Wasiir ka tirsan dowladda Paakistan oo shacabka dalkaasi ku booriyay inay cunada iska yareeyaan.

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Federaalka Arrimaha Kashmir ee dhanka ay maamusho Pakistan Cali Amiin Gandapur, ayaa kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeedinayay kulan ka dhacay Kashmir dhanka ay maamusho Pakistan ku sheegay in xaaladda sicir bararka ay aad u sii kordhayso

Waxa uu sheegay in haddii qofka uu cuno wax ka yar intii uu horay u cuni jiray uu dalka ka badbaadi karo xaaladda sicir bararka ee hadda jirta.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalka wasiirka aad u dhalleeceeyay iyaga oo aad u faafinayay muuqaal la duubay xilli uu wasiirka khudbad jeedinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here