Xulka qaranka France oo ku guuleystay koobka UEFA Nations League

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xulka qaranka France ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii labaad ee ku guuleysta koobkan, kaddib markii ay 1-2 kaga adkaadeen dhigooda Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran Spain iyo France ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad xulka qaranka Spain ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mikel Oyarzabal.

Laakiin 66 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka qaranka France ayaa dhaliyay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Karim Benzema oo caawin ka helay saaxiibkiis Kylian Mbappé.

Daqiiqadii 80-aad xulka qaranka France ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-2 k dhigay Kylian Mbappé, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Theo Hernández.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 uu kaga adkaaday xulka qaranka France dhigiisa Spain, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka San Siro ee magaalada Milan, taasoo ka dhigtay in wiilasha uu hoggaamiyo tababare Didier Deschamps ay noqdaan xulkii labaad ee ku guuleysta tartanka UEFA Nations League, kaddib xulka Portugal oo markii ugu horeysay ku guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here