Malaayiin qof oo ka qaxay daadad ku dhuftay waqooyiga Shiinaha.

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ku dhawaad 2 millio oo qof ayaa ku barakacay daadad ku dhuftay magaalooyin ku yaala gobolka Shaanshiin ee waqooyiga Shiinaha ku yaala.

Dawlada Shiinuhu waxay sheegtay in qiyaastii 1.76 million oo qof ay ku barakaceen daadad ka dhashay roob xoog leh oo ka da’ay gobolka Shaanshiin.

War kasoo baxay kooxaha gurmadka ee Shiinaha ayaa sheegay in 70 degmo laga qaxay kadib markii guriyiihii dumeen.

Kooxaha gurmadka ayaa shaqaynaya in dadka ay u raraan dhulka sare si looga badbaadsho daadadka.

Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay illaa 300 oo qof ayaa ku geeriyooday kadib markii ay biyo qaadeen waxaana degaanka laga joojiyay shaqooyinka ay qabtaan dadka macdanta qoda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here