Manchester United oo tartanka saxiixa Jules Kounde kula soo biirtay Kooxda Chelsea

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay Chelsea kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Jules Kounde.

Kooxda Chelsea ayaa doonaysay inay la soo saxiixato daafaca dhexe suuqii xagaaga, balse markaan waxaa tartanka kula soo biirtay Man United.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya inay Manchester United tartan ugu jirta saxiixa Jules Kounde oo ka tirsan Kooxda Sevilla.

Daafacan dhexe ayay Chelsea daba joogtay inta badan suuqii xagaaga, laakiin kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ayaa la jaan qaadi weysay qiimaha ay Sevilla doonaysay Kounde.

Man United ayaa la soo warinayaa inay dalab ka gudbin karo daafacan, laakiin Kooxda Sevilla uma oggolaan doonto inuu baxo haddii aan la siinin qiimaha ay doonayso inay ku fasaxdo.

Sevilla ayaa doonaysa in gacanta loo geliyo qiimaha lagu burburin karo qadnaraaska Jules Kounde oo ah 80 milyan oo euro oo u dhiganta 68 milyan oo gini ama 95 milyan oo dollar haddiiba ay u ogolaanayso inuu tago daafacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here