Chelsea oo si dirqi ah guul kaga soo gaartay kooxda Brentford oo ay booqatay

0
87

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa si dirqi ah guul kaga soo gaartay kooxda  Brentford oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysa kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 45 + 1 kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Ben Chilwell.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay Chelsea kaga soo adkaatay kooxda Brentford oo ay booqatay, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee Premier League. Guushan ay gaartay Blues ayaa waxay ka dhigtay inay hoggaanka u qabataan  miiska kala sareynta horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here