Horudhac: Barcelona vs Valencia

0
142

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona oo qaab ciyaareed liita ku jirta isla markaana labo guuldarro oo xiriiir ay kasoo gaartay tartammada oo dhan ayaa caawa soo dhoweyneysa naadiga Valencia kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xiddigaha Barca ayaa caawa xambaarsan masuuliyadda shaqada tabarahooda Ronald Koeman kaasoo loo badinayo in la ceyrin doono haddii caawa dhinaciisa dhulka la dhigo xilli ay shan dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyaasha horyaalka Spain ee Real Madrid oo kulankan ka xiga ay wada balansan yihiin.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Jesus Gil (Spain)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here