Kooxda Man City oo saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Burnley oo ku soo booqatay garoonka Etiha

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Burnley, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 12-aad kooxda martida loo ahaa ee Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibka reer Portugal ee Bernardo Silva.

45 + 3′ Aymeric Laporte ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here