Leicester City oo garoonkeeda King Power guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Man United

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Man United, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Leicester City iyo Man United ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 19-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mason Greenwood kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Laakiin 31 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Leicester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca Youri Tielemans oo caawin ka helay saaxiibkiis K. Iheanacho ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay Soyuncu kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis A. Perez.

82 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay M. Rashford oo caawin ay kaga timid Lindeloef.

Laakiin daqiiqadii 83-aad J. Vardy oo caawin ka helay A. Perez ayaa ciyaarta ka dhigay -2 ay ku hoggaamineysay kooxda Leicester City.

90 + 1 kooxda Leicester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-2 ka dhigay P. Daka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-2 ay kaga adkaatay Leicester City, kooxda Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka King Power, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here