Liverpool oo guul weyn ka soo gaartay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool

Daqiiqadii 9-aad kooxda Liverpool ayaa dubrba hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Mane kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Salah.

37 daqiiqo Reds ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 0-2 ka dhigay Firmino oo caawin ka helay saaxiibkiis Milner.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad Kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Firmino.

Salah oo caawin ay kaga timid Firmino ayaa rajo beel ku riday taageerayaasha kooxda Watford kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay Liverpool.

90+1 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Firmino oo caawin ka helay Williams ayaa wuxuu soo xiray bandhigay goolasha ee kulankan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-5 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-5 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, Reds ayaa haatan ku hoggaamineysa miiska kala sareynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 18 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here